Monday, January 12, 2015

Laga billaabo 1-da jannaayo 2015 lacagta waa lagaa yaraynayaa







Laga billaabo 1-da jannaayo 2015 lacagta waa lagaa yaraynayaa

Mas’uuliyiinta norwiijigu waxay go’aan ku gaareen in dadka waaweyn ee xeryaha ku jira in lacagta laga yareeyo laga billaabo 1-da jannaayo 2015.

Arrintani ma khuseyso:
-carruurta
-kuwa aan qaangaarin ee keligood ah
-dadka haysta diidmada kama-dambaysta ah

Waxaa halkan ku qoran lacagta hadda kaddib la isa siin doono:

QOFKA KELIGIIS AH
2920
Labada is qaba/kuwa wada nool
2470
Carruur 0-5 sano
1440
Carruur 6-10 sano
1930
Carruur 11-17 sano
2450
Carruur ka weyn 18 sano oo qoys ka mid ah
2020
Dheeriga qofka keligiis ah ee carruur haysta
860
EMA aan qofi la socon – lacag raashin
1980
EMA aan qofi la socon – lacag jeeb
1350
EMA aan qofi la socon - wadar
3330


Dadka xeryaha ku jira ee haysta diidmada kama-dambaysta ah

Qof keligiis ah/dadka ka weyn 18 sano
1980
Labada is qaba/kuwa wada nool
1590
Tabbeelluhu wuxuu ku tusayaa caddadka karoonka Norway ee lagu siin doono marka aad ku jirto xero qaxooti oo caadi ah halkaas oo aad adigu raashinkaaga soo gadato.
La xiriir xafiiska UDI-da ee meesha aad deggan tahay haddii aad qabtid su’aal la xiriirta caddadka lacagta ee cusub.

Mahadsanidiin

UDI




post signature

0 comments:

Post a Comment